Addis Abba,(insidesomalia.org)- Warar aynu ka helnay ilodiblumaasiyadeed oo lagu kalsoonaan karo ayaa waxay sheegayan in uu mad madow soo kala dhexgalay Madaxda Dowladda Itoobiya iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Cabdulllaahi Yuusuf Axmed.
Mad madowga labada dhinac soo kala dhexgalay ayaa waxay wararku sheegayaan in uu soo baxay, kadib markii uu khilaafka soo kala dhexgalay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde kadibna uu madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ka biyo diiday in ay madaxda Itoobiya dhexdhexaadiyaan Madaxda Dowladda Federaalka.
Mad madowga soo kala dhexgalay labada dhinac aawgood ayay wararku intaas ku darayaan in ay Dowladda Itoobiya u yeertay Saraakiisheeda Ciidamada ee jooga gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jen. Gabre oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Itoobiya ka jooga Soomaaliya iyo Jen. Johans oo ah Taliyaha Ciidamada Lugta Itoobiya ee gudaha Soomaaliya ku sugan.
Lama oga ilaa iyo haatan ujeedada ka dambeysa u yeeritaanka ay Madaxda Itoobiya u yeereen Saraakiishooda Ciidan ee ku sugnaa gudaha Soomaaliya, waxaase la eegi doona is bedelka ay la yimaadaan Saraakiishaas marka ay ku soo noqdaan Gudaha Dalka Soomaaliya.